Jimco, Sept 25, 2020-Banaan-bax looga soo horjeedo ciidamada Kenya oo ka dhacay Ceelwaaq
Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhowr jeer lagusoo eedeeyay tacaddi xooggan oo ka dhan ah dadka ku nool Gobolka Gedo, waxayna horay u sameeyeen duqeymo diyaaradeed oo lagu dilay dad rayid ah iyo xoolo badan.
Dhinaca kale, waxaa shalay magaalada Muqdisho shir ku qabtay mudanayaal ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo ka hadlay falkii lagu dilay , laguna qafaashay qaar kamid ah shacabka tuulada Yadoo.
Illaa iyo hadda ma jiraan war kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aaddan dilka iyo qafaalka ciidamadooda lagusoo eedeeyay, sidoo kalena illaa iyo hadda falkaas waxaan ka hadlin taliska ciidamada AMISOM.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]