Waxaan keenay Raysal wasaare waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso


9/23/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Arbaco, Sept 23, 2020

Madaxweyne Farmaajo: Waxaan keenay Raysal wasaare waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso

 
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay raysal wasaarihiisa inuu yahay shakhsi wadaniyadiisu sareyso oo uu ku aamino karo xilka culus uu u magacaabay, wuxuuna barlamaanka ka rajeeyay inay sidoo kale meel marindoonaan xukuumada uu soo dhisidoona.“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay tallaabooyinka ugu horeysa ee uu qaadidoono inay yihiin amniga iyo arrimaha doorashooyinka.




Click here

9/23/2020 5:36 AM EST

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya.


9/23/2020 2:58 AM EST

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Xildhibaano ka soo jeeda gobolka Meru ayaa go’aansaday in dowladda Kenya la siiyo waqti dheeri ah si ay u xalliso caqabadaha ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya.


9/23/2020 2:13 AM EST

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta barlamaanka horgeynaya raysal wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo todobaadkii hore uu magacaabay, kadib ku dhawaad 2 billood oo dalku raysal wasaare la’aan ahaa.


9/23/2020 1:47 AM EST

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa tagi donna guri kasta ee ku yaal gobolka si ay u hesho dad si lacag la’aan ah uga qayb qaata baritaan lagu samaynayo cudurka covid-19 iyo unnugyada jirka difaaca si qiimeeyn dhab ah loogu sameeyo faafidda cudurkan safmareenka ah.


9/23/2020 1:02 AM EST

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Dhaqdhaaqa Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada NISA deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne.





Source link

Leave a Reply