Arbaco, Sept 23, 2020-Madaxweyne Farmaajo oo maanta raysal wasaarihiisa cusub horgeynaya barlamaanka


Madaxweyne Farmaajo oo maanta raysal wasaarihiisa cusub horgeynaya barlamaanka

 
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta barlamaanka horgeynaya raysal wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo todobaadkii hore uu magacaabay, kadib ku dhawaad 2 billood oo dalku raysal wasaare la’aan ahaa.Raysal wasaaraha cusub ayaa dhawaan barlamaanka ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida si uu guto waajibaadkiisa qaran ee horyaala oo ay ugu horeyso inuu billaabo fulinta heshiiska doorashada.Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka ayaa horey usii sheegay inay si aqbaliyad leh raysal wasaaraha cusub ku siindoonaan xasaanad uu ku shaqeeyo kadib kulan uu la qaatay xubno kamid ah barlamaanka.

Ka sakow arinta raysal wasaaraha, waxaa kale oo madaxweyne Farmaajo laga sugayaa inuu barlamaanka horgeeyo heshiiska laga gaaray hannaanka loo galayo doorashooyinka soo socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay barlamaanka ku wargaliyay inay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan meel marinta heshiiskaan.




9/23/2020 1:47 AM EST

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa tagi donna guri kasta ee ku yaal gobolka si ay u hesho dad si lacag la’aan ah uga qayb qaata baritaan lagu samaynayo cudurka covid-19 iyo unnugyada jirka difaaca si qiimeeyn dhab ah loogu sameeyo faafidda cudurkan safmareenka ah.


9/23/2020 1:02 AM EST

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Dhaqdhaaqa Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada NISA deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne.





Source link

Leave a Reply