Arbaco, Sept 23, 2020-Faahfaahin Dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne


Faahfaahin Dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne

 
Arbaco, September 23, 2020 (HOL) – Dhaqdhaaqa Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada NISA deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne.Barta koontarool ee ciidamada NISA lagu soo weeraray ayaa aheyd goob lagu baaro dadka iyo gaadiidka soo gala magaalada beledweyne kana baxa.Dagaalka halkaasi ku dhexmaray Al-shabaab iyo NISA ayaa ahaa mid waqti koobaan socday walow rasaas aad u badan ay is dhaafsadeen lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Mudadii uu socday dagaalka u dhaxeeyay Shabaab iyo NISA waxaa xaalad koronto la’aan ah ay ka jirtay xaafadaha magaalada Beledweyne taaso cabsi badan kusii abuurtay dadka ku dhaqan magaalada.








Source link

Leave a Reply