Sabti, Sept 19, 2020-Tartankii Kubadda cagta Kooxaha heerka koowaad oo Beledweyne lagu soo gabagabeeyay


Sabti, September 19, 2020 (HOL) – Kooxda kubadda cagta Fc Dayax Power Supply ayaa shalay ku guuleysatay tartankii koobka heerka koowaad ee ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubadda cagta magaalada Beledweyne kaaso ay ka qeyb qaadateen 8 kooxood oo heerka koowaad ah kana dhisan afarta xaafadood ee magaalada BeledweyneTartankan waxaa taaba galisay Shirkadda korontada Dayax Power Supply waxaana ku guuleysatay kooxda ku mataleysay magaca shirkadda ee Fc Dayax Power Supply.Duqa magaalada Beledweyne Nadar Tabaax maalin ayaa koobka gudoonsiisay kooxda Fc Dayax waxeeyna ballan qaaday in tartamo badan aay u qaban doonaan kooxaha degmada ka dhisan.

Guddoomiyaha ururka kubadda cagta degmada Beledweyne Cabdi Casiis Jaaburi iyo gudoomiyaha kubadda cagta gobolka Hiiraan Cali Maxamed Cabdi (Cali Shaal) ayaa sheegeen iney sii wadi doonaan dadaalada ay ku hormarinayaan sports-ka gobolka Hiiraan.





Source link

Leave a Reply