Sabti, Sept 19, 2020-Diyaarad ku dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho


Sabti, September 19, 2020 (HOL) – Diyaaraddaan ayaa ah nooca xamuulka qaadda,  waxayna kusii jeedday magaalada Beledweyne,  cilad farsamo oo ku timid awadeed ayey kusoo dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Ma jiraan khaaaare nafeed oo ka dhashay,  waxaana lagasoo badbaadiyay 4 qof oo saarneyd,  sida HOL ay u sheegeen Ilo wareed ku sugan madaarka magaalada Muqdisho. Waxay hadda taallaa meel aan aheyn dhabbaha diyaaradaha ay ka degaan.

Sii-hayaha wasiirka gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay in loo gurmaday dadkii diyaaradda saarnaa,  balse muu sheegin nooca ciladda faraamo ee diyaaradda heshay.

Soomaaliya waxaa aad igu kordhaya bishii dembe shilalka diyaaradaha dalka,  kuwaas oo dhammaantood la sheegay in la baarayo,  balse weli aan wax natiijo ah oo kama dambeys ah lagasoo saarin.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply