Jimco, Sept 11, 2020-Dowladda Switzerland oo taageereysa Hay’adda UNFPA si kor loogu qaado Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka iyo La Dagaalanka Gudniinka Fircooniga ah


9/11/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020

Dowladda Switzerland oo taageereysa Hay’adda UNFPA si kor loogu qaado Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka iyo La Dagaalanka Gudniinka Fircooniga ah

 
Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Dowladda Switzerland ayaa ugu deeqday Hay’adda QM ee UNFPA deeq lacageed oo kor u dhaafeyso 4 million iyo bar oo dollarka Mareykana si loo xoojiyo dadaallada loogu jiro hagaajinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, la dagaallanka dhaqamada waxyeellada leh oo ay ka mid yihiin Gudniinka Fircooniga ah iyo awoodsiinta dhallinyarada ee Soomaaliya.Sida lagu sheegay war qoraal ah ay baahisay Safaarada Switzerland ee ku taala magaalada Nairobi malaayiin haween iyo gabdho ah oo ku nool Soomaaliya ayaa weli halis weyn ugu jira dhimashada xiliga dhalmada iyo gudniinka Fircooniga ah.
Dhimashada xiliga dhalmada ayaa ah mid aad u sareysa, iyadoo 20kii dumar ahba mid ka mid ah oo ay da’doodu tahay 15 jir u dhimato, halka la filan karo inay u dhintaan uurka ama dhibaatooyin la xiriira dhalmada marka ay gaaraan da’da 49. Faafitaanka gudniinka fircooniga ayaa gaaray 99 boqolkiiba dumarka iyo gabdhaha da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 49 sano jir.“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero siino Soomaaliya iyada oo loo marayo UNFPA, maadaama aan sii wadno wadashaqeynta si gacan looga geysto dib-u-dhiska nidaamka caafimaadka iyo wax ka qabashada caqabadaha gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha soo wajahay” ayuu yiri Thomas Oertle oo ah Agaasimaha Gobolka Geeska Afrika ee Hay’adda Iskaashiga Switzerland.

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Mr. Anders Thomson ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey Dowlada Switzerland isagoo sheegay in taageeradan ay imaaneyso waqtiga saxda ah ee adeegyadan muhiimka ah inta badan loobaahanyahay, iyadoo lagu gudajiro aafada Covid-19, oo ah xilli nuglaanta iyo baahiyaha haweenka iyo gabdhaha ay xoogeysteen.




Click here

9/11/2020 8:30 AM EST

Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Maamulka Jubaland ayaa caddeeyay geerida ku timid Guddoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha maamulkaas Shaafi Raabbi Kaahin oo salaaddii Jimce kadib, qof iskusoo xeray waxyaabaha qarxa uu iskula qarxiyay albaabka hore ee masjidka Jaamaca qadiim ee ku yaalla magaalada Kismaayo.


9/11/2020 7:17 AM EST

Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Qof iskusoo xeray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay gudaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan inta u dhexeysa masaajidka Jaamica ah ee qadiim iyo cisbitaalka magaalada.


9/11/2020 7:07 AM EST

Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya Cali Bunow Qorane ayaa waxaa la amray in la soo xero kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.


9/11/2020 6:30 AM EST

Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu kula kulmay Muqdisho madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadda dalka.


9/11/2020 5:35 AM EST

Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Golaha Xukumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa kulan aaan caadi aheyn oo ay isbuucan yeesheen ku baab’iyey Baanaamijka Tubaha Qaranka oo saddexdii sanno iyo barkii la soo dhaafay ahaa halbeega ay ku shaqeynaysay xukuumadda.


9/11/2020 5:22 AM EST

Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku boorriyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Muqdisho u jooga dhameystirka wadahadalada in ay bilaabaan hirgalinta habka la isku raacsan yahay ee horay loogu sii wado doorashooyinka.


9/11/2020 3:56 AM EST

Jimco, September 11, 2020 (HOL) – Wassaaaradda gargaarka iyo maareynta masiiboyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin cusub oo la xiriirta fatahaad kale oo baaxad leh inuu sameyo wabiga Shabelle todobaadyada soo socda.





Source link

Leave a Reply