Khamiis, Sept 10, 2020-Hoobiyayaal caawa ku dhacay degmooyin ku yaalla Gobolka Banaadir


Khamiis, September 10, 2020 (HOL) – Wararka laga helayo dhowr degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan iney hoobiyayaal kusoo dhaceen,  welina lamasoo sheegin wax khasaaro ah. Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay meelo kamid ah degmooyinka Xamar jajab,  Warta nabadda iyo Xamarweyne.Ma jiraan illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay laammaha ammaanka ee caasimadda.

Hoobiyayaashan kusoo dhacay degmooyinka seddexda ah ayaa kusoo aadaya xilli guud ahaan madaxda maamul goboleedyada dalka kusugan yihiin Muqdisho,  waxaana lagu wadaa in sabtida ay kulan ku yeeshaan aqalka madaxtooyada.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply