Arbaco, Sept 9 , 2020-Qoor-qoor oo Deni iyo Axmed Madoobe ugu baaqay iney qorshe wacan la yimaadaan


Arbaco, September 9, 2020 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland in sababaha ay u diideen ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3 uu ahaa in dalka uusan laheyn ra’iisul wasaare,  balse taas bedelkeeda ay Muqdisho yimaadeen arrintii ay ku doodayeen oo weli taagan. Qoor-qoor ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay shirka magaalada Baydhabo uga soconaya madaxweynayaasha Hirshabeelle,  Koonfur galbeed iyo Galmudug. Waxa uu sidoo kale usoo jeediyay in madaxda Jubaland iyo Puntland ay la yimaadaan qorsheyaal cad iyo aragti xajmi leh,  sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kusoo aadaya xilli hoggaamiyayaasha Jubaland iyo Puntland lagu wado iney qeyb ka noqdaan shirka maamul goboleedyada dowladda dhexe iyo  Gobolka Banaadir uga furmaya dhowaan magaalada Muqdisho.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply