Arbaco, Sept 9 , 2020-Donald Trump oo loo magacaabay murashaxa abaalmarinta Nobel Peace Prize ee sanadka 2021
Xildhibaanka reer Norway wuxuu sheegay in madaxweyne Donald Trump uu buuxiyey sadexda shuruudood ee looga baahan yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta nabadda.
“Midka koowaad waa iskaashi dhex mara ummadaha, qodobka labaad yaraynta ciidamada Bariga Dhexe, shuruudda saddexaadna waa dhiirrigelinta shirarka nabadda,’ ayuu yidhi Christian Tybring-Gjedde.
Afar madaxweyne oo Mareykan ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, taasoo ay go’aamiyaan guddiga shanta qof ee Nobel, ee ay soo magacaabaan baarlamaanka Norway.
Barack Obama ayaa guuleystay 2009, Theodore Roosevelt 1906, Madaxweyne Woodrow Wilson 1920 iyo Madaxweyne Jimmy Carter 2002. Qofka ku guuleysta 2021 waxaa la shaacindoonaa Oktoobar 2021.