Talaado, Sept 8 , 2020-Howl-gal ciidan oo ka socda duleedka Kismaayo iyo waddooyin xeran


9/8/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Talaado, Sept 8 , 2020

Howl-gal ciidan oo ka socda duleedka Kismaayo iyo waddooyin xeran

 
Talaado, September 8, 2020 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,  gaar ahaan qeybta Danab ee ka howl-gasha Jubaland oo kaashanaya ciidamada JSF-ta  Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howl-gallo ka billaabeen deegaanno hoostaga Jannaay Cabdalle oo 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo. War qoraal ah oo ciidamada Danab ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa waxay ku qeexeen in waddooyinka soo gala Jannaay Cabdalle la xiray muddo kooban oo laga fulinayo howllo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab,  sida lagu sheegay qoraalka Danab ay baahiyeen. Howl-galka ay ka socda deegaannadaas ayey ciidamadaan waxay sheegeen iney uga gol leeyihiin,  in guud ahaanba deegaannadaas ay ka saaraan Al-shabaab oo marar badan kula dagaallamay.

Laakiin howl-galkaan ayaa kusoo aadaya xilli shalay saldhig military oo ku yaalla deegaanka Jannaay Cabdalle uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya,  kuwa Jubaland, waxaana ku dhaawacmay askar dhowr ah oo ay ku jireen kuwa Mareykan ah.

Al-shabaab ayaa isla shalayba mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]




Click here

9/8/2020 2:40 AM EST

Talaado, September 8, 2020 (HOL) – Sida Ilo ku dhow dhow madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ay u sheegeen warbaahinta madaxweynayaasha labada maamul ayaa waxay ku wajahanyihiin magaalada Baydhaba, iyagoo kulan wada tashi ah la yeelanaya madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.


9/8/2020 2:34 AM EST

Talaado, September 8, 2020 (HOL) – Kooxda Al-shabaab ayaa saacado kooban qabsatay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, waxayna la wareegeen xarumihii dowladda, waxay sidoo kale xabsiyada kasii daayeen maxaabiis dowladda u xirnaa.


9/8/2020 1:26 AM EST

Talaado, September 8, 2020 (HOL) – Beeraleyda iyo ganacsatada Jaadka Miraa ee dalka Kenya ayaa laga yaabaa inay sugaan waqti dheer inta laga qaadayo xanibaada Qaadka ay u dhoofin jireen Soomaaliya. Waxay arrintan ku qaadan kartaa tan iyo xilliga doorashada kadib oo dib loo furidoono howlihii diblumaasiyadeed.


9/8/2020 1:26 AM EST

Talaado, September 8, 2020 (HOL) – Bangiga Adduunka ayaa u magacaabay Keith Hansen inuu noqdo agaasimaha cusub ee waddamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda laga bilaabo 8-da bisha Sebtember.





Source link

Leave a Reply