Jimco, Aug 28, 2020-Maamulka Jubaland oo ka hadlay duqeymo ka dhacay duleedka Bu’aale


8/28/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2020

Maamulka Jubaland oo ka hadlay duqeymo ka dhacay duleedka Bu’aale

 
Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) – Sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland Cabdi xuseen Shiikh oo ka hadlay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka ayaa  waxa uu ku sheegay in waxyeello ugu geysteen Al-shabaab. Duqeymaha oo ay wada-jir u fuliyeen ciidamada maamulkaas iyo dhinacyada taageera ayaa waxa uu shaaciyay in hadafkii laga lahaa lagu guuleystay. Wasiirka warfaafinta Jubaland ayaa tilmaamay in duqeymaha ay ka dhaceen deegaanno hoostaga degmada Bu’aale ee Jubbada dhexe.  Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

Ma jiraan Ilo madax bannaan oo xaqiijinaya in duqeymahaas aysan shacab wax ku noqon,  laakiin duqeymo horay uga dhacay Soomaaliya ayaa sababay dhimashada iyo dhaawac dad badan oo rayid ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]

Click here

8/28/2020 9:10 AM EST

Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa waxa uu sheegay inuu weli jirto khatartii xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya, islamarkaana mas’uuliyiinta caasimadda ay sii wadi doonaan ol-olehii Wacyi-gelinta ahaa ee looga hortagayay.


8/28/2020 8:35 AM EST

Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) – Wasiirka ammaanka ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa Baarlamanka dowlad goboleedkaas ka codsaday in la meel mariyo sharciyo la xiriira arrimaha nabad-gelyada deegaanka oo muhiimad badan u leh Galmudug.


8/28/2020 6:08 AM EST

Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) – Xildhibaanada barlamaanka Galmudug ayaa sheegay in aysan diyaar u ahayn mooshin, iyagoo hadalkaan kaga jawaabayay kadib markii maalmahaan warbaahinta laga tebinayay in mooshin lagasoo gudbiyay guddoomiyaha barlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.





Source link

Leave a Reply