Axad, Aug 23, 2020-Dood ka dhalatay markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray heshiiskii doorasho ee Dhuusomareeb


Dood ka dhalatay markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray heshiiskii doorasho ee Dhuusomareeb

 
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) – Dood ayaa ka dhalatay gudaha Puntland markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb ugusoo gabagaboobay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.Urur siyaasadeedka Mideeye oo kamid ah toban urur siyaasadeed kuwo ugu saameynta badan Puntland ayna ku midaysan yihiin siyaasad miisaan culus ku leh Puntland gudaheeda, ayaa shalay bayaan uu soo saaray ku taageeray heshiiska doorasho ee lagu gaaray Dhuusomareeb.Ururka ayaa ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland inay ka qeyb qaataan dadaalada xal u raadinta mustaqbalka Soomaaliya ayna qeyb ka ahaadaan shirarka soo socda.

Markii uu ururka warkaan uu soo saaray ayaa dad badan oo isugu jira siyaasiyiin caan ah iyo aqoonyahanno waxay bayaankaas kasoo baxay ururka Mideeye ku tilmaameen mid dhaawac ku ah miisaanka iyo midnimada Puntland islamarkaana ururku faraha lasoo galay arimo aan qusayn oo u taala xukuumada Puntland.

Qaar kale ayaa ku dooday in ururku awood u leeyahay inuu soo bandhigi karo aragtidiisa siyaasadeed ee uu qabo uuna sixi karo wixii Puntland ka qaldama.

8/23/2020 2:15 AM EST

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) – Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa siidaayay muuqaal markii ugu horeeysay muujinaya mid ka mid ah taliyayaashooda caanka ah ee goobaha dagaalka.





Source link

Leave a Reply