Khamiis, Aug 6 , 2020-Saaxdheer oo laga soo saaray qodobo lagu heshiisiiyey laba beelood iyo war murtiyeed madaxda dhaqanku soo saareen
Saaxdheer oo laga soo saaray qodobo lagu heshiisiiyey laba beelood iyo war murtiyeed madaxda dhaqanku soo saareen
Degaanka oo ahaa wixii sababay colaadana waxa ay labada beelood ku heshiiyeen in la wadaago oo aan cidna gaar u sheegan karin, waxa kale oo ay ku heshiiyeen in cidii jebisa ama gacan qaad samaysa ganaaxeeda loo daayo gusiga dhaqanka ee hawshan gacanta ku haya.
Dhinaca kale madaxda dhaqanka ayaa iyaguna war murtiyeed ka soo saaray Saaxdheer kaas oo ugu horeeyo in ay isla garteen in shareecada Islaamka laysku xukumo, in qofkii qof dila loo gacan geliyo cidii qisaastiisa lahayd, cidii fulin weydana lagu ganaaxi doono 100 halaad.
Sidoo kale waxaa ay ganaax ka soo saareen cida dhaawac geysarta badheedh ah in lagu ganaaxo 50 halaad, sidoo kale waxaa 50 halaad lagu ganaaxi doonaa cida weerar ku soo qaada degaan, xitaa hadaanay wax dhib ah geysan.
Madasha Saaxdheer waxaa ka hadlay madaxda dhaqanka, Cuqaal, waxgarad iyo masuuliyiin kala duwan kuwaas oo soo dhoweeyey heshiiskan iyadoo masuuliiyiinta gobolka Doolo ee kililka Soomaalida oo magaaladan qayb ka mid ahi hoostagto ay si wey ula soconayaan heshiiskan iyo fulintiisa ayay sheegeen.
Magaalada Saaxdheer oo laba daamood u qaybsan ayaa goobta shirku ka dhacayey amaankeeda sugayey ciidamada dawlad degaanka Soomaalida maadaama ay dhinacooda ka tirsanayd.
Si kastaba ha ahaatee heshiiskan ayaa ah mid ka duwan heshiisyo badan oo horey labada beelood loo dhexdhigay maadaama ay kan labada beelood keligood gaadheen iyadoo ay ka maqan yihiin gudiyadii dhedhexaadinta.