Isniin, Aug 3 , 2020-Qarax ka dhacay Maqaaxi ku taalla degmada Xamar jajab


8/3/2020

Today from Hiiraan Online:
 _

Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2020

Qarax ka dhacay Maqaaxi ku taalla degmada Xamar jajab

 
Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) – Qof iskusoo xeray wax-yaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow dekadda weyn ee magaalada muqdisho, waxaana ka cunteeya dad badan oo ka shaqeeya meelo kala duwan.Wararka laga helayo maqaaxida Luul Yemeni ee uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse aan si rasmi ah hadda loo hubin inta uu la’egyahay.

Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay tahay mid mashquul badan xilliyada qadada.

Wixii kusoo kordha warka qaraxaasi kala soco Hiiraan Online.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]

Click here

8/3/2020 7:03 AM EST

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) – Sii hayaha wasiirka wasaaradda ammaanka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta ka qeyb-galay shir mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ay ku leedahay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda siyaasadda dalka iyo doorashooyinka la filayo in dhammaadka sanadkaan iyo bilowga kan soo socda ay waddanka ka dhacaan.


8/3/2020 5:59 AM EST

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) – Waxaa maanta maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dhageysatay kiiska dacwada ka dhanka ah weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ‘Abuuja’ oo muddo dhowr bil ah ku xirnaa Muqdisho.


8/3/2020 1:32 AM EST

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) – Duulimaadyada caalamiga ah ee hawada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay dib u furmaya muddo afar billood iyo badh ah kadib.


8/3/2020 12:23 AM EST

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) – Danjiraha dalka Britain u fadhiya Muqdisho Ben Fender ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalida ay go’aamin lahaayeen hoggaanka ay doonayaan, marka laga hadlayo nooca iyo qaabka ay noqon doonto doorashada soo socotana ay iyaga u taal.





Source link

Leave a Reply