Talaado, July 21, 2020-Odayaasha dhaqanka Galmudug oo baaq kasoo saaray shirka Dhuusomareeb
Talaado, Luulyo 21, 2020 (HOL) – Odayaasha dhaqanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa madaxda dowaladda federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada uga baaqay in ay xal ka gaaraan khilaafka dhexdooda ka taagan.
1:Odayaashu waxay soo dhoweeyeen shirka Dhuusomareeb
2: Waxay madaxda dowladda Soomaaliya uga mahad celiyeen kasoo qeyb galka shirka Dhuusomareeb.
3:Odayaasha Galmudug waxay ku baaqeen in loo turo shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku dayacan.
4: Waxay ugu baaqeen madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada in ay la yimaadaan tanaasul, heshiis waara iyo badbaado qaran.
5: Waxay ku taliyeen in laga fogaado dano gaar ah oo abuuri kara kala fogaansho iyo dagaalo sokeeye.
6: Ugu dambayn waxay ugu baaqeen in la gaaro heshiis taariikhda cusub u horseeda umadda Soomaaliyeed.
Odayaasha Galmudug ayaa sheegay haddii madaxda iskugu timid Dhuusmareeb ay heshiin waayaan in ay muujindoonto in Soomaalidu kaligeed heshiin karin, in beesha caalamku dhexdhexaadiso mooyee.
Si kastaba ahaatee, magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa ka bilowday shirka dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo looga doodayo in heshiis siyaasadeed laga gaaro doorashada soo socota.