Arbaco, July 15, 2020-Ciidamada AMISOM oo maanta ka hor-joogsaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan inuu galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne
“Waxaa nasiib-darro aheyd iney aniga iyo mas’uuliyiintii kale ee ila socotay iyo weliba ilaaladeydii ay Ciidamadaasi diidaan inaan gudubno oo aan galno Airpor-ka” ayuu mar kale sheegay guddoomiye Jeyte.
Dhinaca kale Hiiraan Online isku dayo xiriirro ah oo la sameysay madaxda ciidamada Jabuuti ayaa innoo suura-galin inaan helno.
Wararka sidoo kale laga helayo Beledweyne ayaa sheegaya in saraakiisha Jabuuti ay dacwad ka dhan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan u gudbiyeen madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka maqan Gobolka .
Hadalkii uu shalay jeediyay Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxa uu dhaliyay hadal hayn xooggan, kaas oo la aaminsanyahay in Ciidamada Jabuuti ay aad uga xanaaqeen.
Diyaaradda shilka ku gashay garoonka magaalada Beledweyne ayaa waxaa laga leeyahay Waddanka Kenya, waana nooca xamuulka qaada. Waxaana rarka ay wadday kasoo baxayay warar is khilaafsan.
Ila-wareedyada ku sugan maagalada Beledweyne ayaa HOL u xaqiijiyay iney sidday sahay ciidan oo ay Jabuutiyaanku leeyihiin, halka xoga kale ay tilmaamayaan iney wadday gar-gaar. Lama oga halka khilaafka maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti u dhexeya uu gaari karo, waxaana la’ eegayaa sida Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo AMISOM arrintaan xal uga gaaraan.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]