Talaado, July 14, 2020-Maxkamadda Gobolka Banaadir “ Dacwadda loo haaysto weriye Gurbiye waa qabyo, waa iney xeer-ilaalinta soo dhameystiraan”
Abuukaataha Weriye Gurbiye, Daahir Maxamed Carab ayaa dhageysiga kiiska kadib , saxafiyiinta u sheegay in maxkamadda ay ka rajeynayaan cadaalad.
Ururrada warbaahinta u dooda Soomaaliya ee SJS IYO SOMA oo qareenka u qabtay weriye Gurbiye ayaa dhinacooda soo dhoweeyay tallaabada uu maanta ku dhaqaaqay garsoorka maxkamadda Gobolka Banaadir.
14-dii, April, ee sanadkan ayaa waxaa weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye looga yeeray saldhigga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, afar maalin oo xarig ah kadib waxaa lagusii daayay damaanad.
Soomaaliya, waxay saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta la kulmaan dhibaatooyin xooggan oo mararka qaar saameysa madax bannaanida wararka iyo Barnaamijyada, waxayna taasi keentay in qaar kamid ah suxufiyiinta ay isaga cararaan dalka.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]