Axad, July 10, 2020-Kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya madaxda Maamul Goboleedyada qaar ooka dhacay Dhuusamareeb
Kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya madaxda Maamul Goboleedyada qaar ooka dhacay Dhuusamareeb
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Lafta-gareen’.
Labadan Madaxweyne ee uu la kulmay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaan aragti ahaan aad uga fogeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Geesta kale wuxuu la kulmay Madaxweyne Qoor qoor hoggaamiyaha Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo isla soo qaaday arrimaha shirkaan ku saabsan.
Dhinaca kale ilo xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in shirka oo maanta lagu waday inuu furmo uu dib ugu dhacay beri, Madaxweyne Qoor qoor-na wuxuu maanta guud ahaan ku casuumay wafuudda kala duwan qado sharafeed.