Arbaco, July 8 , 2020-Rabshadaha Ethiopia ka socda oo khatar ku ah Dimuqraadiyadda curdinka ah ee dalkaas
Itoobiya ayaa laga jaray internet-ka muddo dhan hal toddobaad iyada oo askar iyo booliis ay sii wadaan ilaalo roondeynta waddooyinka caasimadda Addis Ababa iyo meelaha kale ee ay ka socdaan rabshadaha.
Muuqaalka Ethiopia waa mid lagu xasuusto dhibaatooyinkaas ka jira waddammada uu hoggaamiyuhu ka yahay kaligii talis. Itoobiya waxaa dunida inteeda kale horey ugu ammaantey inay tusaale wanaagsan u tahay dimuqraadiyadda Afrika.
Raiisel wasaare Abiy Ahmed, oo xukunka la wareegay 2018, ayaa si deg deg ah nabad ku wada noolaatay dalka ay deriska yihiin ee Ereteriya, kaas oo soo afjaray dagaal dheer oo sano badan socday.
Wuxuu kaloo fuliyay tallaabooyin loogu talagalay soo celinta xorriyadda madaniga ah sida xorriyadda saxaafadda iyo ra’yiga wuxuuna ballanqaaday Itoobiya oo dimuqraadi ah oo cusub.
Sanadkii 2019-kii waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Nabadda ee Nobel oo lagu aqoonsaday dadaalkiisa. Laakiin, marka la eego xaaladda hadda jira, miyuu ahaa mid dagdag ah go’aankii ay gaareen guddiga Nobel?