Talaado, July 7 , 2020-UNSOM oo soo dhoweysay kulanka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Dhuusomareeb


Talaado, July 7, 2020 (HOL) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa bayaan kooban uu soo saaray kusoo dhoweeyay kulanka qorsheysan ee Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.kulankaan ayaa hordhac u ah shirweynaha soo socda ee Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, iyadoo wadahadalkaas muhiimka ah looga hadlayo arrimaha mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga iyo dib u eegista Dastuurka.Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa horey ugu baaqay wadatashi ballaaran oo dhexmara hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gaaraan heshiis ku saabsan mustaqbalka.

UNSOM iyo guud ahaan beesha caalamka waxay doonayaan in heshiis siyaasadeed la isla qaato kahor inta aan la gaarin go’aamada kama-dambeysta ah ee barlamaanka labadiisa aqal laga sugayo oo ku saabsan qabashada doorashooyin qaran.





Source link

Leave a Reply