Isniin, July 6 , 2020-Weriye Yassin Juma oo ah saxafi caan ah oo u dhashay Kenya oo dhowr maalmood ku xeran Itoobiya
Weriye Yassin Juma oo ah saxafi caan ah oo u dhashay Kenya oo dhowr maalmood ku xeran Itoobiya

Wararka qaar ayaa sheegaya in saxafiga reer Kenya Yassin Juma lala xiray saaxiibkiisii uu la shaqeynayay ee Jawar Mohammed
Jawar, waxa uu sidoo kale kasoo jeedaa qowmiyadda Oromada, waxa uuna kamid yahay raga ugu adag ee dhaliila ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Yassin Juma ayaa waxa ay wararka sheegayaan in lagasoo qabtay guriga Jawar.
Juma intii uu ka shaqeynayay NTV-kenya waxaa lagu xusuustaa wararkii uu ka sameynay jiray Jabhadda OLF “Oromo Liberation Front”. Sanadkii 2009-kiina waxa uu kasoo diyaariyay Barnaamij Documentary ah .
Bishii January 2016-dii, waxaa Yassim Juma xeray ciidamada la dagaallanka militariga Argagaxisada ee Kenya, kadib warbixinno uu ka sameeyay dagaalkii Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Ciidamada Kenya ayaa xilligaasi lagasoo xigtay in saxafigaasi loo xeray wararka joogtada ah ee uu Facebook-giisa ku qoro iyo twitter-ka ee ku saabsan Al-shabaab
“Waxaan ka imaaday Cisbitaalka markii ay 8 askri oo watay laba gaari ay I qabteen oo ay I xereen, waxay ii qaadeen gurigeyga, waxayna baareen dhammaan wixii ii yaallay, ka hor inta aaney ii qaadin saldhigga “ ayuu xilligaasi Juma u sheegay wargeyska The Daily Nation.
Saxafigan ayaa sidoo kale waxa uu yahay shakhsi wararka si joogta ah ugusoo qora barahiisa arrimaha bulshada, waxaana ku xeran dad fara badan.
Illaa iyo hadda xariggiisa dowladaha Kenya iyo Itoobiya si rasmi ah ugama hadal.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]