Isniin, July 6 , 2020-Dowladda Kenya oo qaadday qaar kamid ah xayiraadihii lagusoo rogay dalkeeda Covid19 awgiis
Kenyatta wuxuu intaas ku daray in dowladda ka laaban karto amaradaan haddii lagu guuldaraysto gudashada masuuliyada qof kasta. “Hadday xaaladdu ka sii darto oo caqabad ku noqoto nidaamyadeena caafimaad, waa inaan ku laabanaa qufulka. 21-ka maalmood ee soo socda, waxaan daraasad ku sameyn doonnaa qaababka isdhaxgalka iyo faafitaanka cudurka, inagoo eegayna wixii isbeddel ah ee tilmaamaya inay ka sii dareyso masiibada,”ayuu yiri Kenyatta.
Madaxweynaha Kenya wuxuu kula taliyay dadka reer Kenya in ay dib u dhigaan isu socodka safarka ee aan loo baahnayn, balse ay sameeyaan jimicsi looga hortago faafitaanka fayraska gaar ahaan dadka waayeelka ah.
Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib afar bilood oo lagu jiray xannibaadda coronavirus ah, kaasoo baabi’iyay ilahii muhiimka ahaa sida dalxiiska.