Axad, July 5 , 2020-Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Horufadhi


 

Axad, July 5, 2020 (HOL) – Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo xinif colaadeed beryihii la soo dhaafay u dhaxeysay ayaa waxa wararka hordhaca ahi sheegayaan in hal qof ku dhintay afar kalena ku dhaawacmeen.

Dagaalkan oo maanta gelinkii danbe ka bilaabmay duleedka Horufadhi oo waqooyi bari kaga quman Buuhood ayaa la sheegayaa in sababtiisa ay lahayd nin habeenimadii xalay lagu diley magaalada Buuhoodle.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah ayaan weli si buuxda loo ogayn khasaaraha dhabta ah waxase ay noo xaqiijiyeen in rasaastii ay joogsatey, iyadoo ciidamadii ay beeluhuna ay dib u kala fadhiisteen aadse looga cabsi qabo in dib uu u bilaabmo.

Dagaalkan ayaa dhabrjab ku ah gogol nabadeed oo labada beelood haatan lagu dhexdhexaadinayey, iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin madax-dhaqameed, cuqaal, culimo iyo waxgarad si ay xal uga gaadhaan xiisadan oo mudo dheer soo noqnoqtay.





Source link

Leave a Reply