Jimco, July 3 , 2020-Amnesty International “Weriye Abuuja waa in si sharuud la’aan ah lagusii daayaa”
Saxafiga Maxamed Cabdiwahaab Nuur ayey ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya xereen 7-dii bishii Maarso ee sanadkaan.
Ururrada saxaafadda Soomaaliya iyo Aabbihii ayaa dhowr bil ka hor codsaday in lasiiyo saxafigaasi cadaalad, sida ugu dhakhsiyaha badanna loogusoo celiyo xorriyaddiisa.
Hay’adda Amnesty International waxay warbixinteeda ku sheegtay iney aad uga walaacsantahay xabsiga hadda lagu hayo weriye Abuuja oo dad badan ay ku xeranyihiin, xilli Soomaaliya iyo caalamkaba ay la dagaallamayaan xanuunka COVID-19.
Saxafiga maxbuuska ah ee cadaaladda u baahan Maxamed Abuuja ayaa dhowaan qaar kamid ah madaxda Ururrada saxaafadda iyo Aabbihii oo ku booqday xabsiga ee uu ku xeranyahay ee Muqdisho , waxa uu u sheegay inuu ka cabanayo madax-xanuun saa’id ah, isagoo intaa ku daray inuu u baahanyahay baaritaan caafimaad.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]