Khamiis, July 2 , 2020-Urur udooda xuquuqda naafada Soomaaliyeed oo cambaareeyay dilkii gudoomiyihii naafada Baydhabo
“Ficil kasta oo naxariis daro ah oo Al-Shabaab kula kacdo dadka naafada ah waa weerar ka dhan ah aadanaha. Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha, waxaan si adag u cambaareyneynaa dilkan loo gaystey ninkan aan waxba galabsan ee aan waligiis la shaqeynin hey’ado dowladeed,” ayaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxday SODEN.
SODEN waxay sheegtay Ficil kasta oo argagixiso oo lagula kaco dadka sida Shariif Mukhtaar oo kale, in aysan horjoogsan doonin istaraatiijiyadooda ku aaddan u doodidda xuquuqda dadka naafada ah.
Sharif Mukhtaar wuxuu muddo dheer xubin ka ahaa Shabakadda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (SODEN. Wuxuu u horseed u noqday hogaaminta dadka aadka ugu baahan cadaalada bulshada.