Talaado, Jun 30, 2020-Soomaaliya iyo Yemen oo loo aqoonsaday halka ay ka dhacaan dambiyada ugu weyn dunida ee kalluumaysiga sharci darrada ah
Warbixintu waxay daaha ka rogaysaa kalluumeysiga sharci darrada ah ee baahsan ee ka jira biyaha Soomaaliya isla markaana taariikh ahaan xiriir la leh dhibaatooyinka burcad-badeednimadii ka jirtay Soomaaliya. Maraakiibta kalluumeysiga ee gobolka ayaa dhowaan bilaabay inay adeegsadaan nidaamka aqoonsi otomaatig ah (AIS).
GFW waxay ogaatay in maraakiib baddan oo reer Iiraan ah ay si balaadhan uga hawl galaan aagagga dhaqaale ee gaarka ah ee Soomaaliya iyo Yemen (EEZs), iyo dhinaca badaha sare ee ku xiga.
Qaybo yar oo ka mid ah maraakiibta ku goosha calanka Hindiya, Pakistan iyo Srilanka ayaa sidoo kale lagu aqoonsaday aagaggan.
“Gobolku wuxuu wajahayaa caqabado waa weyn oo la xiriira sidii loo gaari lahaa maamul maareynta badweynta. Soomaaliya iyo Yemen labadaba waxaa ku yaraaday awoodooda amniga badaha iyadoo ay wiiqeen daganaansho la’aan iyo dagaal sokeeye, taas oo biyahooda ka dhigaysa mid aan la soo sheegin kalluumeysiga aan sharciyeysnayn,”ayaa lagu yidhi warbixinta.
Si kastaba ha noqotee, dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyagoo la shaqeynaya Bangiga Adduunka iyo Kalluumeysiga Afrika, waxay sameeyeen horumar wanaagsan oo ku saabsan xoojinta shatiga iyo la socodka howlaha kalluumeysiga iyo la dagaallanka burcad badeedda.