Talaado, Jun 30, 2020-Dowladda Shiinaha oo Itoobiya kala hadashay in muranka Masar kala dhexeeya ee biyaha Nile wada hadal lagu dhammeeyo


Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) – Wada-hadal khadka taleefanka ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya iyo Shiinaha Gedu Andargachew iyo Wangi Yi waxay kusoo hadal qaadeen arrimaha muranka biyaha Nile ee u dhexeeyay dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Waxaana lagu sheegay in loo baahanyahay in xalka arrintaasi loo maro wada-hadal sal u noqda iyo is-Af-garad iyo heshiis.Wang Yi ayaa sheegay in Shiinaha uu muhiimad gaara siinayo wada-jirka iyo wax wada qabsiga waddamadaasi.Labadan wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen xiriirka Shiinaha iyo Itoobiya iyo sidii loo sii cayilin lahaa iskaashiga dhinaca diblumaasiyadda ah ee ka dhexeeya , waxaana lagusoo hadal qaaday kaalinta xukuumadda Adis Ababa ay ka qaadan karto isu-so dhowaashiyaha Shiinaha iyo guud ahaan Afrika.

Dowladda Shiinaha ayaa hadda u muuqata mid ahmiyad gaar ah siineysa xiriirka ay la leedahay Afrika, waxayna hadda u muuqataa in dowladdaasi ay weli dhex-dhexaad ka tahay qaddiyadda muranka biyaha webiga Nile, waxaana suuragal ah in madaxda dalalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay wada-hadal furan , kaas oo ay Shiinaha gadaal ka taaganyiin.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply