Isniin, Jun 29, 2020-Safiir Cabdixakiim Camey “Soomaaliya waxay Itoobiya ku taageereysaa dhismaha biya xireenka Webiga Nile”
Waxa uu sidoo kale qeexay in biya xireenkani uu noqon doono mid sal u ah koboc dhaqaale iyo is-dhexgal bulsho, si gaar ah gobolka geeska Afrika.
Biya- xireenkan ayeey Itoobiya dhismihiisa dib u billaabi doontaa bisha soo socota ee July. Hase-ahaatee Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya Cabdixakiin Camey ayaa qaba in uu kusoo aaday waqtigii loogu tala-galay , wax dhibaata ahna uusan ku keeni dooni waddamada uu webigaan maro.
“Soomaaliya waxay xushmeyneysaa xuquuqda Itoobiya ay u leedahay in ay ka faa’ideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, waana sababta ay u diidday rabitaankii Masar ka yimid ee la horkeenay Jaamacadda Carabta , kaas oo ka hor imaanayay danaha Itoobiya iyo guud ahaan kan gobolka bariga Afrika” ayuu sidoo kale ku sheegay wareysigiisa.
“Go’aanka Soomaaliya ayaa waxa uu yahay mid garab ku siinaya Itoobiya arrinta biyaha Nile, waxay sidoo kale Soomaaliya aaminsantahay in qaddiyadda Afrikaanka dhex taal keliya ay Afrikaanka xallin karayaan” ayuu wareysigiisa kusoo xiray Danjire Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar.
Wareysiga uu bixiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya ayaa si cad u muujinaya mowqifka siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka ee ku wajahan muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ee ku saleysan biyaha Nile .
Isha: Fana Broadcast corporate
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]