Isniin, Jun 29, 2020-Qoyska ninkii lagu tuhmayay weerarka Glasgow oo sheegay inuu qabay xanuunka dhimirka
“Mr Adam wuxuu qabay xanuunka maskaxda , qoyskiisana way ka xunyihiin dadkii uu mindiyeeyay” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Jaaliyadda Suudaan oo wareysi siiyay BBC-da .
Adam ayaa waxaa toogtay askari ka tirsan Booliska gaarka ah ee Scotland kadib markii uu lix qof mindi ku dhuftay, kuwaas oo ku sugnaa Park Inn Hotel oo ku yaalla waddada galbeedkaa George ee magaalada Glasgow .
28 jirka weerarka lagu tuhmayo ee la qaarajiyay ayaa deganaa qolka 91-aad, waxa uuna kamid ahaa ku dhowaad 100 qof oo magan-gelyo doon ah oo Hotel-kaas ku sugnaa tan iyo wixii ka dembeeyay markii safmarka Coronavirus uu dillaacay
Almadi oo ah ninka u hadlay jaaliyadda Suudaan ayaa mar kale BBC-da u sheegay in muddo bil ah uu Adam ku karaantiilnaa qolkiisa, kadib markii lagu arkay calaamadaha COVID-19.
“Xaqiiqdii waxa uu aad ula bukoonayay xanuunka dhimirka, weliba wuu sii darsaday markii uu hotel-ka deganaa “ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Weerarrada mindiyada loo adeegsada ayaa badanaa ka dhaca waddamada reer galbeedka, waxayna galaafteen nolosha dad badan.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]