Axad, Jun 28, 2020-Ururka saxaafada Somaliland oo sharci darro ku tilmaamay shaqo ka joojinta univetsal Tv
Guddoomiyaha Solja, Maxamuud Xuute, ayaa sheegay in aysan jirin qoraal rasmi ah oo lagu sababeeyay shaqo ka joojinta universal, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiirka warfaafintu saxaafada ku caburinayo wax aan xaq loogu lahayn.
“Waa wax aan la aqbali Karin in xukuumada ciidamo dul gayso xarun warbaahineed iyadoo weliba sifo aan sharci ahayn ku xirtay,” ayuu yidhi Xuute.
Gudoomiyaha oo tixraacayay hadalka wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in aan warbaahinta madaxa bannaan xaq loogu lahayn inay siidaayaan warbixinta madaxweynaha, haddii uusan jirin heshiis horey looga gaaray.
“Haddii Universaltv lagula heshiiyay inay tebiyaan hadalka madaxweynaha, waa qalad xagooda ah oo lagu dacwayn karo, balse haddii aanu heshiiskaan jirin ma jirto sababto loogu qasbi karo inay tebiyaan hadalka madaxweynaha,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Dastuurka Somaliland, ayaa dhigaya in Saxaafadda aan caburin lagula ma kici karo, ay ka reeban tahay wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb (censorship).