Axad, Jun 28, 2020-Madaxweynaha Galmudug oo Cabud-waaq ku wajahan iyo diyaar garowga soo dhoweyntiisa oo magaaladaas ka socota


Axad, Juun 28, 2020 (HOL) – Madaxweynaha maamulka ku yaalla bartamaha Soomaaliya ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Cabud-waaq oo ah degmo ku taalla waqooyiga Gobolka Galgaduud.Diyaar garow xooggan ayaa ka socda magaalada, iyadoo ammaankana ciidamada nabad-gelyada ay si weyn u sugayaan.

Waxyaabaha dadka deegaanka ay filayaan inuu madaxweynaha kala hadlo ayaa waxaa kamid ah arrimaha hor’umarka iyo dhismooyinka. Waxay dhinaca kale shacabka magaaladaas ay aad u daneynayaan in adeegga dowladnimo ee maamul goboleed Galmudug uu gaaro degmadaas.

Wafdiga la filayo in ay gaaraan magaalada Cabud-waaq ayaa waxaa kamid ah xubno wasiirro iyo xildhibaanno ah oo magaaladaas ku metala maamulka Galmudug.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]





Source link

Leave a Reply