Arbaco, Jun 24, 2020-Dowladda Soomaaliya oo jaamacadda Carabta horgeysay mowqifkeeda ku aadan muranka webiga Niil iyo xaaladda Libya
Dowladda Soomaaliya oo jaamacadda Carabta horgeysay mowqifkeeda ku aadan muranka webiga Niil iyo xaaladda Libya

Amb, Cawad, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageersan tahay xalka nabadeed ee Liibiya. Ma sheegin inay dowladdu la safan tahay ama taageersan tahay dhinac kamid ah dhinacyada ku hardamaya dalka Libya.
“Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale arrin horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia inay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka, islamarkaana gaaraan heshiis u wada faa’iideynaya Masar, Sudan iyo Ethiopia,” ayuu yidhi wasiir Cawad.
Adis-Ababa ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu bilaabayo $ 4.6 bilyan biye xireenka bisha soo socota, iyada oo aan loo eegin in wax heshiis ah la gaadhay.
Masar iyo Itoobiya labaduba waxay ka dhawaajiyeen tillaabooyin militari oo ay ku ilaalinayaan danahooda, waxaana Qatar ku jira inay burburaan wada hadalada.