Arbaco, Jun 24, 2020-Dowladda Soomaaliya maalmaha xoriyadda awgeed fasaxday shaqaalaha dowladda iyo kuwa u shaqeeyo shirkadaha gaarka ah
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargelineysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay Shaqaalahooda in ay tahay maalin fasax ah maalinta Sabtida ee ku aaddan 27 June 2020, maaddama ay ku beegantahay maalinta ka horreysa ee Jimcaha xuska qaran ee 26ka June , xorriyaddii Gobolladda Waqooyi ee sannadkii 1960” . ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa soo dhoweynta maalmaha xoriyadda qaranka, xilli lala dagaallamayo xanuunka COVID-19, islamarkaana dhaqaalaha waddanka uu hoos u dhacay sida lagasoo xigtay dowladda.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Hiiraan Online
[email protected]