Talaado, Jun 23, 2020-Puntland iyo Somaliland oo dhalleecayn iyo hanjabaad hawada isku mariyay
“Waxaan kuugu baaqayaa wax badan inaad ka sa.xdo maamulkaaga ayaa kuu taala, waxaana kuu sheegayaa inaad fara galinta ka dayso xuduudka Somaliland leedahay,” ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Koore.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa isna u jawaabay wasiirka warfaafinta Somaliland, isagoo sheegay in Puntland nabad iyo dagaal midkood ay kusoo ceshandoonto dhulka uga maqan Somaliland.
“Madaxweynuhu wuu ku saxan yahay hadalkiisa, Somaliland waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxdo Sool haddii kale dhiig ayaa ku daadandoono”.
Labada wasiir warfaafineed ee ka kala tirsan labada maamul ayaa ah labo siyaasi oo isku hayb ah oo kasoo wada jeeda gobolka Sool, balse ay siyaasada kala fogaysay.