Isniin, Jun 22, 2020-Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay dhaqan galka sharciga duulista rayidka una magacaabay Maareeye
Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay dhaqan galka sharciga duulista rayidka una magacaabay Maareeye

Maareeyaha loo magacaabay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Xasan
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan.
Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa aqoon iyo waaya-aragnimo dheer u leh Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya. Wuxuuna shahaada Mastarka ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan isaga oo ku taqasusay Maamulka iyo Maareynta Duulista (Aviation Management).
Qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa sharcigaan horey ugasoo horjeestay iyagoo u aaneeyay in aan wada-tashiyo laga siinin, maadaama uu dalka federalka yahay islamarkaana uu si toos ah u saameynayo dalkoo idil.
6/22/2020 1:38 AM EST
Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku amray ciidamada amniga Puntland inay aragti ku toogtaan cid kasta oo qal qal ku haysa ammaanka iyo xasiloonida Puntland.