Xulka Albania badin ayay baasabooro dublamaasi ku heleen


Lahaanshaha sawirka
All Sport

Image caption

Armando Sadiku ayaa gooshii guusha ee Albania madaxa ku dhaliyay

Dawladda Albania ayaa sheegtay in xulkooda kubadda cagta ee qaranka ay ku abaal marinayso baasaboorada dublamaasiyiinta.

Arrintaas waxay timid kaddib markii ay Romania kaga badiyeen 1-0 intii ay socotay ciyaarta ka tirsan koobka qaramada qaaradda Yurub.

Dalkan ayaan waligii ka qaybgalin ciyaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah. Balse ma cadda in Albania ay u gudbi doonto wareega labaad ee ee koobkaasi ka socda Faransiiska.

Dawladda ayaa sheegtay in ay siin doonto xulkooda 1.1 milyan oo doolar oo dheeri ah iyo baasabooradaasi cusub.

Albania ayaa laga badiyay labadii ciyaarood ee kale waxayna kaalinta saddexaad kaga jiraan qaybtooda.

Rai’sal wasaaraha dalkaas Edi Rama ayaa farxadda dalkiisa la wadaagay kaddib markii ciyaartii Axaddii uu gooshii guusha dhaliyay Armando Sadiku qaybtii hore ee ciyaarta.

Rai’sal wasaaraha ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray “Goooooooooool….”

Abaalmarinta baasaboorka Dublamaasiyiinta ayaa ah maamuus maadaama ciyaartooyda intooda badan ay yihiin kuwo ka dheela dalal kale, guud ahaan dadka reer Albania-na waxay dal ku gal la’aan u safri karaan dhammaan dalalka ku jira Midawga Yurub.

Baasaboorkaas ayaa u sahli doono safarada caalamka balse ma heli doonaan xasaanad maadaa arrintaas ay khaas u tahay dublamaasiyiinta oo kali ah.



Source link

Leave a Reply