Jimco, Jun 19, 2020-Dowladda Tanzania oo gashay heegan xooggan , kadib hanjabaad uga timid koox jihaaddi ah oo ka dhisan Mozambique
Dowladda Tanzania oo gashay heegan xooggan , kadib hanjabaad uga timid koox jihaaddi ah oo ka dhisan Mozambique

Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) – Sida lagu qoray barta wararka ammaanka ka faalloota ee The intelligence Briefs ayaa qortay in dowladda Tanzania billowday baaritaanno la xiriira muwaadiniinteeda ku biiri kara kooxda Al-shabaab ee ka dhisan gudaha waddanka Mozambique ee ka dagaallanta Gobolka lagu magacaabo Cabo Delgado, sida lagasoo xigtay Ilo sirdoon.
Iyadoo aan la dhayalsan karin Ururka ISCAP iyo dagaallada uu ku jiro.
Xilli hore ayey dowladda Tanzania waxay ciidamo dheeraad ah dhigtay xadka ay la wadaagto waddanka Mozambique si loola socda dhaqdhaqaaqa ammaanka la xiriira, haddii ay xubno kooxdaas ka tirsan ay isku soo dayaan in ay usoo gudbaan Tanzania .
Wararka ay qorayaan dhinacyada ka fallooda sirdoonka iyo ammaanka ayaa sheegaya in xaddi badan oo dhalin-yaro reer Tanzania ah ay ku biiireen Ururkaas ka dagaallama gudaha waddanka Mozambique .