Axad, Jun 21, 2020-Kenya oo sheegtay inay qabatay xashiishad Soomaaliya laga keenay iyo labo nin oo watay


Axad, Juun 21, 2020 (HOL) – Booiliska daka Kenya ee magaalada Mandheera ayaa qabtay laba tuhmane oo waday gaari xamuul ah oo lagusoo qariyay xashiishad qiimahoodu kor u dhaafayso 800,000 oo ah KSh oo laga keenay Soomaaliya, sida uu booliisku sheegay.Labada tuhmane oo mid kamid ah lagu magacaabo, Cali Ibraahim Cali ayaa waxaa soo qabtay baarayaal ka socda waaxda dambi Baadhista (DCI) ee fadhigoodu yahay deegaanka Busle ee magaalada Mandheera kadib xog ay ka heleen xubnaha bulshada.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari Richard Ng’etich ayaa sheegay in Xashiishadu ka timid magaalada Mooyaale kuna sii jeeday magaalada Mandheera iyo magaalooyin kale oo waaweyn oo gobolka ka tirsan.

Ngetich wuxuu tilmaamay adeegsiga daroogada sharci darrada ah inay door weyn ka qaadato falalka dambiyada ee ka dhaca magaalada wuxuuna ugu yeeray hoggaamiyeyaasha diinta inay dhalinyarada kala taliyaan inay ka fogaadaan xadgudubka.





Source link

Leave a Reply