Sabti, Jun 20, 2020-Laamaha amniga Puntland oo su’aalo weydiiyay weriyayaal wax ka qoray mudahaarad ka dhacay Bosaso
Laamaha booliiska saacado kadib ayay siidaayeen weriyahan kadib markii su’aalo laga weydiiyay qoraal uu ka qoray mudahaarad ka dhacay Bosaso.
Weriyaha oo lahadlay HOL, ayaa sheegay in uu laamaha booliiska ugudbiyay in warbixinta uu baahiyay ay ahayd xog ka hadlaysay waxa dhacay oo kaliya, balse aysan ku jirin buunbuunin iyo maran habaabin bulsho.
Wuxuu sheegay sheegay in arintaan aysan waxba ka bedelidoonin dhexdhexaadnimadiisa iyo wararka xaqiiqada ah ee uu kuu daabaco bartiisa Facebook oo ay boqolaal kun ku xidhan yihiin.
Dhinaca kale, taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo la hadlay HOL, ayaa u sheegay in sababta ay ugu yeereen weriyaha ay tahay xaqiijinta eedeymo weriyaha loosoo jeediyay, balse markii uu wareystay uu ogaaday in weriyuhu aanu gelin wax qalad ah.
“Shalay waxaa la buun buuniyay mudaharaad ka dhacay Bosaso, weriyuhu wuxuu soo qoray ,” mudaharaad ayaa ka socda Bosaso iyo Sawir,”. Dad kale ayaa buunbuuniyay oo adeegsanayay sawirro hore,” ayuu yidhi Taliyaha.
Puntland ayaa mudahaarad ka dhacay Bosaso oo loogasoo horjeeday afar xaafaddood oo magaalada loo qeybiyay waxay sheegtay in la buunbuuniyay oo ay ku lug leeyihiin dad kasoo horjeeda amniga Bosaso waxayna sheegtay inay tallaabo ka qaadayso.