isku aadka koobka aduunka 2018

0
33

Koobka Aduunka waxaa xaqiijiyay usoo bixitaankiisa tiradii loogu tala galay bartamahii November ayaana la ogaaday 32-da Dal ee soo gudbay kaliya Panama iyo Iceland ayey u tahay markii ugu horeysay oo ay kasoo muuqdaan masraxa maanta.

Xafladda waxey ka dhaceysaa State Kremlin Palace oo ay qaadi kara in ka badan 6,000 (Lix kun) oo qof. Xusuusta laga heysto goobtaan riwaayadaha lagu sameeyo ee ku taala Moscow waxey tahay iney bandhigyo ku qabsadeen fanaaniin caan ah oo laga xusi karo: {Luciano Pavarotti, Placido Domingo, Julio Iglesias iyo Elton John}, sidoo kale waxaa ka dhacay bandhigyo Isboorti iyo kuwa kale oo ay soo agaasintay shirkadda masraxyada qurxisa isla markaana agaasinta ee Le Cirque du Soleil.

Xafladda maanta waxaa daadihin doona falanqeeyaha heerka caalami, soo saaraha barnaamijka Match of the Day ee ka baxa BBC-da sidoo kalana ahaa xidigii ku guuleystay kabta dahabka gooldhalinta koobkii Aduunka 1986 Gary Lineker, waxaa caawin doona Maria Komandnaya oo ah wariye aad caan uga ah dallka Russia.

Labadaas shaqsi ayaa xafladda isla wadi doona, waxaana isku aadka wax ka sameyn doona oo furi doona [qolofyada] ay ku jiraan kooxaha dhawr halyeey oo qaarkood hantiyay koobka Aduunka waxaana ka mid ah: Laurent Blanc [France] Gordon Banks [England] Cafu [Brazil] Fabi Cannavaro [Italy] Diego Forlan [Uruguay] Diego Maradona [Argentina] Carles Puyol [Spain] iyo Nikita Simonyan [Russia].